4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM oo booqday Jowhar
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya ayaa waxa uu booqasho ku tegay magaalada Jowhar , isagoo kormeeray saldhigga ciidamada nabad ilaalinta  midowga Afrika ay ku leeyihiin halkaas, waxa uuna saraakiisha sar sare kala hadlay sidii ay u dar-dar gelin lahaayeen dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada AMISOM, waxaana qeybtaas gacanta ku haya ciidamada dalka Burundi, fadhigaas ayaa ah qeybta 5-aad ee AMISOM.

Diomede Ndegeya taliyaha cusub ee AMISOM ayaa waxa uu sidoo kale booqasho ku tegi doonaa, saldhigyada kale ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa iney dalka ka baxaan marka ciidamada Soomaaliya ay isu diyaariyaan iney hantaan guud ahaan ammaanka dalka.

Magaalada Jowhar ayaa caasimad u ah maamulka Hirshabeelle, waxayna qiyaas ahaan 90KM ka fogtahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana aad looga deyrinayaa ammaanka waddada isku xirta caasimadda iyo magaaladaas

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]