4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Kenya oo sheegtay dhalinyaro kasoo jeeda Mandheera inay ku biireen Al-shabaab
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Saddex dhalinyaro ah oo ka soo jeeda deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya, ayaa u tallaabay dhinaca Soomaaliya kuna biiray Al-Shabaab, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari Nick Ndalana oo ka hadlayay kulanka amniga ku saabsan.

"Aad ayaan uga warqabnaa in seddex dhalinyaro ah oo ka kala yimid deegaanada Fino iyo Lafey ay u gudbeen Soomaaliya kuna biireen Al-Shabaab laakiin waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo qof walba oo halkan jooga inaan xogtiisa la socono,” ayuu yiri Bari Nick Ndalana.

Mr Ndalana ayaa ugu baaqay waalidiinta inay hubiyaan inay si buuxda uga warqabaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, Wuxuu kula dardaarmay waalidiinta seddexda dhalinyarada ah oo uusan magacaabin inay caruurtooda ka codsadaan inay isku soo dhiibaan laamaha amaanka Kenya.

“Waalid ahaan, waxaad u baahan tihiin inaad la hadashaan dhalinyaradaas u gudubtay Soomaaliya ee ku biiray Al-shabaab, si ay dib ugu soo laabtaan gobolkooda maxaa yeelay waxaan la macaamili doonaa sida aan ula macaamilayno cadawgeenna, ”ayuu hadalkiisa ku daray.

Tan iyo sanadkii 2011 oo ahayd markii ugu horeysay oo ay ciidamada Kenya gudaha u galaan Soomaaliya, Al-shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayso gobolka waqooyi Bari Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]