4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Madaxweyne Qoor qoor oo la kulmay xildhibaannada labada Gole ee Baarlamanka ku matala dowlad Goboleedkiisa
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor qoor” ayaa waxa uu hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho uu kula kulmay mas’uuliyiinta labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulkiis.

Waxaana kasoo qeyb-galay badi xildhibaannadii la casuumay oo ay kamid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Sanatar Abshir Maxamed Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdallle Cawad.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa soo dhoweeyay una mahadceliyay xildhibaannada kulanka fadhiyay, waxa uu tafaasiil ka bixiyay xaaladda maamulka Galmudug, waxa uuna dhammaan xildhibaannada ka codsaday iney si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor qoor uu ka codsaday xildhibaannada in ay ansixiyaan ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka soconayay kulamo xasaasi ah oo madaxda maamul Goboleedyada ay la yeelanayeen xildhibaannada Labada Aqal ku matala Dowlad goboleedyada ay hoggaamiyaan, xilli dhowaan lagu heshiiyay nooca doorashada Soomaaliya iyo qaabka loo wajahayaba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]