4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2020
Maamulka Hirshabelle oo amaro cusub dul dhigay shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar
 

Axad, September 20, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in amaro cusub lagu soo rogay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Amarka cusub ee kasoo baxay maamulka Hirshabelle ee la dul dhigay dadka ku nool magaaladaasi ayaa ah iney isa soo diiwaan galiyaan dadka dagan xaafadaha Jowhar si loo kala ogaado dadka dagan guryaha kirada iyo milkiilayaasha guryaha ku yaala Jowhar.

Amarkaan cusub ayay maamulka degmada Jowhar ku macneyeen iney kaga gol leeyihiin xaqiijinta amniga caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle oo maalmahii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay maadama halkaasi mudo bil gudaheed lagu dilay masuuliyiin sarre oo ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Amarkan cusub ee kasoo baxay maamulka degmada Jowhar ayaan la ogeyn sida uu ku dhaqan gali karo waxaana arintaan aad u hadal haayo dadka ku nool magaalada Jowhar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]