4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2020
Diyaarad nooca basaaska ah oo la sheegay iney kusoo dhacday Shabeellaha hoose
 

Axad, September 20, 2020 (HOL) - Diyaaradda oo ah nooca wax basaasta ee aan duuliyaha laheyn ayey warbaahinta taageerta Al-shabaab waxay sheegeen iney kusoo dhacday duleedka garoonka Bali-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeella hoose ee maamulka Koonfur galbeed.

Bur-burka diyaaradda oo lagu baahiyay sawirradeeda baraha bulshada ayaa la sheegay in marka ay soo dhaceysay ay ku jirtay howllaha basaasnimada,  sida lagu qoray baraha wararka ee Al-shabaab u janjeera.

Diyaaradda bur-burtay ayaa la aaminsanyahay iney kasoo kacday garoonka Bali-doogle oo saldhig u ah ciidamada dowladda ee uu Mareykanka tababaro iyo ciidamo Mareykan ah,  sido Ilo ammaan ay dhowr jeer ku warrameen.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee "AFRICOM" iyo dowladda Soomaaliya oo ku aaddan xogta la xiriirta diyaaraddan soo dhacday.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]