4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2020
Ethiopia oo dambiyo argigixiso kusoo oogtay hoggaamiyaha mucaaradka Oromada iyo siyaasiyiin kale
 

Axad, September 20, 2020 (HOL) - Itoobiya ayaa ka gudbisay dacwado argagixiso oo ay ku soo oogtay maalqabeenka caanka ah iyo siyaasiga mucaaradka ee kasoo jeeda qowmiyada Oromada, Jawar Mohammed.

Jawar, oo ah aasaasaha shabakada warbaahinta Oromiya isla markaana xubin ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la qabtay bishii Juun xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii heesaaga reer Oromo ah Haacaaluu Hundeessaa.

Jawar iyo 22 dhaqdhaqaaqe, oo uu ku jiro hogaamiyaha mucaaradka ee Oromada Bekele Garba, ayaa wajahaya dacwado la xiriira ku xad gudubka sharciyada ladagaalanka argagixisada, isgaarsiinta iyo hubka.

Eedeesanayaasha ayaa hortagi doona maxkamada maalinta Isniinta si ay uga jawaabaan dambiyada loo soo jeediyay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia.

Jawar oo horey xulufo ula ahaa raiisul wasaare Abiy Ahmed ayaa door weyn ku lahaa mudaharaadkii oromada ee Abiy xukunka ku helay 2018. Laakiin wuxuu markii dambe kamid noqday dadka dhaliila siyaasada Abiy Ahmed, asaga oo ku eedeeyay inuu ilaalin waayey danaha Oromada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]