4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2020
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde
 

Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Sii haya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar, ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad Xamuul ah oo maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay diyaarada shilka gashay oo ka diiwaangashan dalka Kenya, in duuliyaha waday uu lumiyay xakamaynta isteerinka, taasoo keentay in ay ku dhacdo derbiga garoonka ka xiga dhinaca badda.

Wasiirku wuxuu sheegay in 3 qof kasoo gaareen dhaawacyo fudud.  

Dhaqdhaqaaqa garoonka ayaa la hakiyay kadib shilkaan, hase yeeshee wasiirka duulista ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in saacado kadib dib u bilaabandoonto shaqa caadiga ah ee garoonka.

Sanadkaan 2020, waa sanadkii ugu badnaa oo ay Soomaaliya ka dhacaan shilalka diyaaradaha xamuulka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]