4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2020
Howl-gal culus oo ka socda degmada Raaga Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe
 

Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Ciidamada ammaanka Hirshabeelle iyo kuwa dowladda Faderaalka ah ee ku sugan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxay howl-gal ballaaran ka sameynayaan deegaanno ku dhow degmada Raaga-Ceelle, waxayna ku baadi goobayaan dadkii ka dembeeyay culimo dhowaan lagu dilay deegaan hoostaga degmadaas.

Howl-galkaan ayaa waxaa amarkiisa bixiyay ku xigeenka madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe,  waxaana fulinaya madax uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada dhexe.

Sida ay baahisay Idaacadda KNN ee Muqdisho, ku dhowaad 40 ruux oo tuhmanayaal ah ayaa gacanta lagusoo dhigay, kuwaas oo lagu sameynayo baaritaanno,  si loo helo ciddii ka dembeysay falkii lagu dilay Culimada.

Hirshabeelle ayaa horay u sheegtay iney sameynayaan baaritaan,  si gacanta loogu soo dhiga,  cidda dilka geysatay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]