4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2020
Weerar Bam gacmeed loo adeegsaday oo caawa ka dhacay magaalada Beledweyne
 

Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal qof oo haween ah ayaa ku dhimatay saddax kalana way ku dhaawacmeen weerar Bam gacmeed ah oo lagu qaaday Maqaaxi ku taala xaafada Howlwadaag gaar ahaan laanta suuqa Xoolaha ee magaalada Beledweyne.

Haweeneyda ku dhimatay weerarka bambaano ee caawa ka dhacay Beledweyne ayaa la sheegay iney maqaaxida ku hor iibineysay Jaad.

Weerarka Bambaano ayaa dhacay abaare 07:00 fiidnimo ee caawa waxaana dadkii ku dhaawacmay weerarka la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaaso lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Goobjoogayaal ku sugan xaafada Howlwadaag oo la hadlay Shabakadda HOL ayaa sheegay in maqaaxida Bam gacmeedka lagu weeraray ay aheyd maqaaxi inta badan ay fariistaan askarta dowladda iyo kooxaha macawiisleyda loo yaqaano ee dirirtu kala dhaxeyso dhaqdhaqaqa Al-Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Beledweyne oo la xiriira weerarka bambaano ee caawa ka dhacay xaafada Howlwadaag mana jirto cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]