4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2020
Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo caawa lagu dilay magaalada Jowhar
 

Khamiis, September 17, 2020 (HOL) -  Wararka caawa ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in lagu dilay Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabeelle ahaana wassiir ku xigeenka wassaaradda diinta iyo awqaafta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Dilkaan ayaa dhacay xili uu Xildhibaanka kasoo baxay masjid ku yaala magaalada Jowhar waxaana goobta isaga baxsaday dableydii dilka geysatay.

Xildhibaankan caawa lagu dilay magaalada Jowhar ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan Xildhibaanadda maamulka Hirshabelle kasoo deegaan doorashadiisu aheyd degmada Matabaam ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]