4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2020
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho
 

Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in maanta uu qarax ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,  gaar ahaan meel ku dhow ceelasha biyaha.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la galiyay ayaa lala eegtay gaari ay wateen ciidamada dowladda oo marayay waddadaas,  waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhimatay tira kalana way ku dhaawacmeen.  Labada qof ee geeriyootay ayaa waxaa la soo warinayaa in uu yahay mid kamid ah rayid.

Ciidamada dowladda ayaa in muddo ah xeray halka uu qaraxu ka dhacay,  waxayna  wakhti kooban kadib u fureen dadka iyo gaadiidka.

Waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]