4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 17, 2020
Koox hubaysan oo macalimiin dugsi qur'aan ku dishay gobolka shabeelada dhexe
 

Khamiis, September 17, 2020 (HOL) - Dabley hubaysan oo la aqoonsan haybtooda ayaa degaan hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeelada dhexe ku dilay 5 macalin dugsi qur’aan ah, oo dadka bari jiray cilmiga diinta.

Macalimiintaan oo ay ku jiraan labo walaalo ah ayaa la dilay iyagoo ku jiray Subac akhris, lamana oga cidda falkaan ka dambeysay, iyadoo kooxdii dishayna ay baxsadeen.

Deegaanka dhibaatadan ay ka dhacay waxaa horey uga dhacay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo ka dhextaagan beelaha kuwada nool gobolka Shabeelada dhexe.

Dilkooda ayaa kusoo beegmay iyadoo muddo dhowr bilood ah laga joogo markii degmada Balcad lagu dilay 8 dhaqaatiir ah oo howlo caafimaad ka waday gobolka Shabeelada dhexe.

Macalimiinta la dilay ayaa waxaa  lagu kala magacaabaa:-

1) Sheekh Daahir Xasan Cali
2) Macalim Maxamuud Canbuure
3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe
4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo
5) Ow Muxumud Xasan Calli

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]