4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan nabad sugidda oo in muddo ah maanta xertay waddo ku taalla Muqdisho
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Ku dhowaad 90 askari oo la sheegay iney ka tirsanyihiin hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xertay in muddo ah waddada dajirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa ka cabanayay in muddo seddex bilood ah aysan qaadan wax xuquuq ah,  iyagoo ilaalo ahaan loo dejiyay garoonka diyaaradaha ee degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Waxaa muddo kooban ay xayireen waddadaas oo muhiim u ah isu socodka magaalada qebo kamid ah iyo madaxtooyada Soomaaliya,  waxaana ugu dembeyn lagu guuleystay iney waddada furaan.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray, halka ciidamada gadooday ay xerteen, iyagoo ugu dembeyntiina ku guuleystay iney xalliyaan.

Ma jiraan war kasoo baxay hay'adda nabad sugidda oo ku saabsan gadoodka ciidamadaan sheegay in uu mushaarka ka maqanyahay seddex bilood.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]