4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Soomaali laga Masaafurinayo Maraykanka & Hay'ada CAIR ee Shir Saxaafadaad Qabtay VIDEO.
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Soomaali gaaraysa ilaa Boqol qof oo danbiyo kala duwan ka galay dalka Maraykanka & qaar loo diiday in loo aqoonsado inay dalkaas ka helaan dagaanasho ama qaxootinimo ayaa maalmaha  soo socda lagu wadaa in laga masaafiyo xabsiyo ku yaala goboladda kala duwan ee dalkaas.

Qareenada u doodaya dadkaan oo dadaalo farabadan galiyey sidii looga badbaadin lahaa in xiligaan adag ee aduunka sameeyey xanuunka Covid 19 in dadkaas la geeyo Soomaaliya ayaa qoysaskii dadka xiran u sheegay in tikidho loo jaray lana qaadi doono maalmaha Khamiista & Jimcaha ee todobaadkaan
Xildhibaan Ilhaan Omar ayaa todabadkan horaaantiisii waraaq ay kaga hadlayso inaysan munaasib ahayn qaadista xiligaan ee dadkaan ka soo saartay xafiiskeeda.

Ha'yada CAIR Xafiiskeeda Minnesota Masuulka ugu Sareeya Jaylaani Maxamed Xuseen ayaa HOL u sheegay in dhawaan ay la xiriireen Dowlada Soomaaliya iyagoo waydiistay inay kala shaqeeyaan hor istaaga sidii dadkaan aan loo Musaafurin xiligaan adag ,iyadoo dalkaan Maraykanku yahay dalka ugu badan ee dadkiisu qabaan xanunka Covid-19.

Hayadan CAIR ayaa shalay galab shir jaraa'id ay kuga soo horjeeedaan ku qabtay xafiiskooda magaaaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

HALKAN KA DAAWO SHIR JARAA"ID OO ARINTAAN KU SAABSAN