4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Taliyaha howlgallada Maraykanka ee Afrika oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Taliyaha Hawlgallada Gaarka ah ee Afrika, Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, ku xigeenkiisa Amb. Young, iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yamomota, ayaa kulan la qaatay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed.

kulankaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagaga hadlayay sidii loo hormarin lahaa Iskaashiga amniga ee Soomaaliya gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeynayso ciidamada xoogga iyo kuwa Danab, si looga caawiyo inay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalkooda.

Dhawaan Maraykanka ayaa sheegay inuu Soomaaliya ku bixiyay lacag ka badan shan bilyan oo dollar 20-kii sano ee lasoo dhaafay, balse aan natiijadii loo baahnaa laga helin.

Waxaa kaloo xusid mudan in maamulka madaxweyne Trump uu afartii sano uu xilka hayo duqeymihii ugu badnaa ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]