4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Shiikh Nuur Baaruud oo farriin u diray wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Shiikh Nuur Baaruud oo kamid ah mashaa'ikhda waaweyn ee Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xeerkii Galmada ee Baarlamanka Soomaaliya la horgeeyay.

Wuxuu si weyn u ammaanay kaalintii xildhibaannadu ay ku diideen arrinkaas,  Waxa uuna intaas ku daray iney qaadeen tallaabo wanaagsan oo wax-tar u leh umadda Soomaaliyeed iyo diinta Islaamkaba.

"Waxaan leeyahay xildhibaannada waxaad gudateen waajibkii diiniga ahaa iyo kii dalkiinna idinka saarnaa" ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.

Dhinaca kale,  waxa uu farriin u diray wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee dowladda Soomaaliya,  isagoo ugu baaqay in sharcigaas aysan mar kale soo celin.

"Waxaan ognahay cidda sharcigaan gadaal ka taagan,  waa qolyaha beesha caalamka,  waxaan leennahay isku dhaqan iyo diin maahin,  waad aragtaan fool-xumada ka taagan dalalkiina" ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Sharcigaan oo ay soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa waxaa aad uga hor yimid badi xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]