4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Barlamaanka Soomaaliya oo wasaaradda amniga faray inay faahfaahin lagu qanci karo ka keento kufsiyada Muqdisho ka dhacay
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa faray wasaaradda amniga in ay barlamaanka horkeenaan sababaha ka dambeeya kufsiyo fool xun oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo dareenka bulshada aad u kiciyay.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cusmaan, ayaa u sheegay wasaaradda amniga in laga rabo inay caddeyso sida uu ku dhacay kiis kufsi iyo dil ah oo dhawaan ka dhacay Muqdisho, kaasoo loo geystay Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd ardayad dhameysay dugsiga sare.

Kiiskaan oo loo xiray dhowr qof ayaa ehelada marxuumada oo saxaafadda la hadlay waxay ka cabanayaan in ay dowladdu damanaad kusii daysay qaar kamid ah dadkii kiiskaas loosoo xiray oo lagu tuhmayay in ay ku lug leeyihiin.

Laamaha amnigu weli kama jawaabin cabashada, hase yeeshee waxaa weli socda baaritaan lagu wado halkii falku ka dhacay iyo maydka marxuumada oo laga qaaday dheecaano ka caawinaya baaritaanka in la ogaado dadka falgalka la sameeyay marxuumada.

Iyadoo uu socdo baaritaanka kiiskan, ayaa maalintii shalay lasoo weriyay kiis kale oo kufsi ah oo loo geystay wiil 10 sano jir ah, oo ay faraxumeeyeen labo nin oo ku labisnaa dareeska ciiddanka dowladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]