4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya oo wasakh ku tilmaamay sharciga Galmada
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa wasakh ku tilmaamay sharciga galmada ee horyaala barlamaanka Soomaaliya.

Sharcigaan oo maanta kalfadhiga barlamaanka looga hadlay ayaa guddoomiye ku xigeenku si caro leh ugu tilmaamay inuu yahay sharci sheydaan oo ay dabada ka riixayaan xildhibaano doonaya in la meel mariyo.

“Sharciga gaalada ninkii ku qanacsan, ha aado iyaga. Anaga waxaan nahay dad muslim ah, mana keenayno sharci gaalo halkan. Ma qancinayno gaalada,” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka.

Gudoomiye Muudeey wuxuu sheegay in aan barlamaanka la horkeeni karin sharci diinta looga baxayo oo hay’adduhu kasoo shaqeeyaan in laga dhaqan galiyo Soomaaliya, isagoo sheegay in barlamaanku ka hortagayo wixii diinta halis ku ah.

Sharcigaan muranka badan uu ka taagan yahay, waxaa uu kasoo gudbay xukuumada federalka Soomaaliya, balse qaladaad badan oo dhinaca diinta ah, ayaa loo hakiyay, si barlamaanku uu dib u sixid ugu sameeyo.

Waxaa xusid mudan in Qaramada Midoobay iyo hay’addaha caalamiga ah ay sharcigaan laftoodu ka horyimaadeen, iyagoo barlamaanka ugu baaqay inay joojiyaan ama lagu bedel sharci kale oo barlamaanka la horeegyay 2018.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]