3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Nin ku eedeysan inuu Al-shabaab la shaqeynayay oo la hor keenay maxkamadda ciidamada
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kasoo hor muuqday nin ku eedeysan in uu la shaqeynayay Al-shabaab,  islamarkaana dacwad oogista ay ku sheegeen inuu maleegayay qorshe lagu dhibaateynayay ciidamada dowladda ee ka howl-gala Beled Xaawo.   

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Farxaan Maxamuud Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu horay Al-shabaab ugasoo goostay,  balse waxay xeer-ilaalintu qeexeen in isi soo dhiibistiisu aheyd inuu dhibaateeyo ciidamada,  mabda'iisiina uu weli aaminsanyahay sida Maxkamadda uu ka hor sheegay  xeer ilaaliye  Cabdullaahi Buulle Kameey.

"Waxaan maxkamadda ka codsanayaa in lagu qaado ciqaab u dhiganta dembigiisa' ayuu mar kale xeer ilaaliye Kameey ka hor sheegay garsoorka maxkamadda.


Ugu dembeyn waxaa dhageysiga kiiska soo xeray garyaqaan Xasan Cali Nuur Shuute oo sheegay in maxkamadda ay go'aan kasoo saari doonto.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa ku sugan magaalada Beled Xaawo  Gobolka Gedo,  iyadoo maalmihii ugu dembeysay halkaas ku qaadeysay kiisas dhowr ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/14/2020 12:17 PM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Guddoonka Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa loo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in mudanayaasha Golaha ay ka doodaan ficilkii dilka ahaa ee loo geystay Allaha U Naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

9/14/2020 12:07 PM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Dawladda Itoobiya ayaa maanta soo bandhigtay lacago cusub oo dhawaan dalkaasi laga hirgalinayo.

9/14/2020 11:23 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Wiil toban sano jir ah ayaa lagu kufsaday magaalada Muqdisho sida ay sheegtay hooyada dhashay oo la hadashay talefishinka Dalsan.

9/14/2020 10:44 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa wasakh ku tilmaamay sharciga galmada ee horyaala barlamaanka Soomaaliya.

9/14/2020 7:19 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shaaciyay inay kordheen kiisaska coronavirus-ka adduunka maalintii Axadda, iyadoo wadarta guud ay korortay 307,930’ 24 saacadood gudahood.

9/14/2020 6:13 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe.

9/14/2020 4:29 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay u geysteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa hogaamiyaasha kooxda Macawiisleyda kaaso lagu magacabo Xuseen Fiidow oo loo yaqiinay (Xuseen Dhurwaay).

9/14/2020 3:59 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macallim Cabdi “Ibraahim Ganey” oo caan ka ahaa gobolka.