4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Xildhibaan Cabdi Cali " Dhinacyada ku shiraya Muqdisho ma soo saari karaan wax sharci ah"
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe.

Wuxuu sheegay haddii dhinacyada shirka ku leh Muqdisho ay wax ka bedal ku sameeyaan xeerkii doorashada ee madaxweyne Farmaajo saxiixay,  waxaa qasab ah in Baarlamanka Soomaaliya lagusoo celiyo.

"Haddii wax laga bedalo xeerkii doorashada waxaa qasab ah in Baarlamanka la horkeeno,  dhinacyadaan shiraya dhammaantood maaha sharci sameeyayaal,  cidda kale ee arrintaas sharciga wax ka dhihi kara waa Golaha shacabka oo ah sharci sameeyayaasha"  ayuu Xildhibaan Dr. Cabdi Cali Xasan u sheegay Warbaahinta maxalliga ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socdo shir u dhexeeya dowladda dhexe,  maamullada Faderaalka qeybta ka ah iyo Gobolka Banaadir,  waxaana looga hadlayaa arrimo quseeyo doorashada dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]