4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Ciidamada Koonfur Galbeed oo dilay sarkaal caan ah oo katirsanaa Al-shabaab
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macallim Cabdi “Ibraahim Ganey” oo caan ka ahaa gobolka.

Dagaalyahankii 2aad ayaa baxsaday kadib markii ciidamadu weerar gaadmo ah ku qaadeen inta udhexeysa Bardaale iyo Awdiinle.

Weerarkan ayaa ciidanka amniga waxay gacanta ku dhigeen hubka laba ka mida ilaaladiisii qaaska aheyd.

Sarkaalkan waxaa la sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa Canshuur qaade, taba bare iyo howlaha amniyaadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]