4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Gobolka kamida dalka Nigeria oo laga ansixiyay sharci ogolaanaya in la dhufaano ragga carruurta kufsada
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Sharci-dajiyayaasha Gobolka Kaduna ee waddanka Nigeria ayaa ansixiyay in la dhufaano kuwa lagu helo kufsiga carruurta da'doodu ka yar tahay 14 sano.

Barasaabka gobolka Kaduna Nasir Ahmad el-Rufai ayaa looga baahan yahay inuu saxeexo xeerkaan si uu sharci uga noqdo gobolka waqooyi-galbeed.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii shacabka ay ka caroodeen mowjado kufsi ah, taas oo keentay in guddoomiyeyaasha gobollada dalka Nigeria ay ku dhawaaqaan xaaladdo deg deg ah.

Sharciga federaalka ee Nigeria ayaa dhigaya inta udhaxeysa 14 sano iyo xabsi daa’in ciqaab ahaan dadka kufsiga geysta, laakiin sharci dejiyeyaasha gobolka ayaa dejin kara xeerar ciqaabeed oo kala duwan.

Bishii August ee lasoo dhaafay, maxakamad Islaami ah oo ku taallo magaalada Kano ee dalka Nigeria ayaa dil ku xukuntay nin da'a ah oo lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabadh 12 sanno jir ah.

Dalka Nigeria oo ay ku nool yihiin 200 milyan oo qof ayaa kamid ah dalalka uu sida ba'an u saameeyay xadgudubyada kufsiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]