4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Ilhaan cumar oo kasoo horjeesatay qorshe Maraykanku kusoo musaafurinayo muhaajiriin Soomaali ah
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay laanta Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka sababa la xiriira suuragalnimada in masaafurin karaan muhaajiriinta si sharcidaro ku jooga Maraykanka oo dib loogu celiyo Soomaaliya.

Xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga ayaa sabab uga dhigtay cabsida coronavirus.

"Laanta socdaalka ayaa lagu wadaa inay tobanaan shaqsiyaad ah ka masaafuriso degmadeeyda Soomaaliya, iyadoo qatar u ah faafitaankaCOVID," ayay barteeda Twitter-ka ku qortay xildhibaanada dimuqraadiga Minnesota.

Waxay sheegtay Falalka musaafurinta in aanay kaliya qatar ku ahayn shakhsiyaadkan, laakiin ay cawaaqib fog ku yeelan karto Soomaaliya.

Maxaabiista nugul cawaaqibka ugu xun ee musaafurintoodu keeni karto waxay macno ahaan noqon kartaa nolol iyo geeri, sida  ay Dimuqraadiyiintu ku sheegeen warqad ay u direen Waaxda Amniga Gudaha oo ku saabsan faafitaanka fayraska corona ee xarumaha dadka laguhayo ee ICE.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]