4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Xasan Cali Kheyre oo ku dhawaaqay in uu musharrax u yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya
 

Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka ugu sarreeya ee madaxtinimada Soomaaliya.

Kheyre ayaa qoraal kooban uu soo dhigay barta lagu gudbiyo farriimaha gaagaaban ee Twitter ku sheegay in isagoo fahansan daruufaha maamul iyo caqabadaha ka jira dalka uu go'aansaday inuu xilkaas iskusoo sharraxo.

Waxa uu ku dhawaaqay inuu musharrax yahay iyadoo aan weli la magacaabin ra'iisul wasaarahii si rasmi ah u buuxin lahaa xilkii uu ka degay.  Waxaana booskaas weli si gaarsiin ah u hayo ku xigeenkiisii Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed.

Xilka uu caawa ku dhawaaqay inuu musharrax u yahay ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxay dad badan horay u saadaaliyeen inuu damac badan uga jiray intii uu hayay xilka wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Waxa uuna qeyb ka noqon doonaa siyaasiyiin badan oo ku loollami doona kursiga ugu sarreeya xukunka Soomaaliya.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]