4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Ehelka gabadh lagu dilay Muqdisho oo sheegay "in dilka ka hor la kufsaday"
 

Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Qoyska gabadh ay ehelkeedu sheegeen in la kufsaday, kadibna lagasoo tuuray dabaq dheer oo ku yaalla degmada Waaberi, una geeriyootay falkaas ayaa waxay ka codsadeen dowladda in lasoo qabto dadkii ficilkaas ka dembeeyay.

Gabadha dhimatay oo da'deeda lagu sheegay 20 sano jir,  ayaa waxay kamid aheyd ardayda sanadkaan u fadhiisatay imtixaankii dugsiga sare ee dowladdu qaadday.

Gacal Xuseen oo ah abtigeed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dembi baarista booliska Soomaaliyeed ay u sheegeen qoyskooda in gabadha la kufsaday,  kadibna lagasoo tuuray dabaqa.

Ma cadda in gabadha markii hore la dilay,  kadibna lasoo tuuray,  waxaan isku daynay inaan la xiriirno laammaha baarista kiiskaan iyo maamulka cisbitaalka Madiina oo meydka gabadha la geeyay si aan tafaasiil dheeraad ah uga helno,  balse inooma suura-gelin.

Gabadha dhimatay oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax ayaa waxa uu qaar kamid ah waalidkeed ay ku noolyihiin Galgaduud,  waxayna Muqdisho u joogtay waxbarasho,  sida HOL ay u sheegeen ehelkeeda.

Soomaaliya waxaa sanadihii ugu dembeeyay aad ugusoo badanayay falalka kufsiga iyo dilka isugu jira oo loo geysanayay dumarka,  laakiin arrintaan ayaa walaac badan ku abuureysa dadka ku nool caasimadda Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]