4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Kenya oo shaacisay in saddex kamid ah kooxda Al-shabaab ku geeriyoodeen qarax ay u maleegayeen ciidamadeeda
 

Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in seddex ka tirsan Al-Shabaab geeriyoodeen afar kalena dhaawacmeen khamiistii, iyagoo iskudayay inay weeraro jid gal ah ka geystaan degmada Gaarisa ee ku dhow xadka Soomaaliya.

Rono Bunei, oo ah taliyaha bilayska gobolka waqooyi bari, ayaa sheegay in xubnaha Al-shabaab ku dhinteen markii ay ku qaraxday miino  ay doonayeen inay jida ugu aasaan ciidamada Kenya ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Al-shabab kama hadlin dhacdadaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]