4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Axmed Madoobe iyo Qoorqoor oo safarro kala duwan uga baxay Muqdisho
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa safarro kala duwan uga ambo baxay magaalada Muqdisho xilli maalinta berrito ah qorshuhu yahay inuu furmo shirka wadatashiga dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee dowladda federalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa safar degdeg ah oo aan xog buuxa laga haynin ku aaday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, halka madaxweyne Axmed Madoobe uu galabta dib ugu laabtay Kismaayo, si uu uga qeyb galo aaska gudoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland oo Kismaayo ku geeriyooday.

Safarka labada madaxweyne ayaa dib u dhac ku keeni kara shirka berrito loo madlan yahay, inkastoo la filayo inay isla berrito kusoo laabtaan Muqdisho.

Warar ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Qoorqoor uu salka ku hayo la tashiyo uu Nayrobi kula leeyahay diblumaasiyiin beesha caalamka ah, la tashiyadaas oo ku saabsan arrimaha doorashada.

Dhinaca kale, waxaa caawa magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeeshay madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha koonfur galbeed. Lama sheegin waxyaabaha kulanka looga hadlay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]