4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Guddoomiyahii rugta ganacsiga Jubaland oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii Kismaayo
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Maamulka Jubaland ayaa caddeeyay geerida ku timid Guddoomiyahii rugta ganacsiga iyo warshadaha maamulkaas Shaafi Raabbi Kaahin oo salaaddii Jimce kadib, qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa uu iskula qarxiyay albaabka hore ee masjidka Jaamaca qadiim ee ku yaalla magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa waxa uu madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uga tacsiyeeyay geerida ku timid mas'uulkaas,  wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa muwaadin u dhabar adeygay wax u qabashada waddankiisa.

Allaha U Naxariistee Shaafi Raabbi ayaa ahaa mas'uul saameyn togan ku lahaa dhismaha maamulka ku yaalla Jubaland,  wuxuuna sidoo kale ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaan magaalada ee gacan saarka laleh dowlad goboleedkaas.

Kaahin ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu kasoo baxay salaaddii Jimcaha ee maanta.

Soomaaliya waxaa hadda kusoo kordhaya qaraxyada,  xilli dhinaca kale uu waddanka galay marxalad siyaasadeed oo kala guur ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]