4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Dowladda Soomaaliya oo digniin cusub kasoo saartay fatahaadda wabiga Shabelle
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Wassaaaradda gargaarka iyo maareynta masiiboyinka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin cusub oo la xiriirta fatahaad kale oo baaxad leh inuu sameyo wabiga Shabelle todobaadyada soo socda.

Halista fatahaad kale ayaa laga cabsi qaba maadama saadaasha Hawada ay sheegtay in roobab xoogan oo mahiigaan ah ay ka da'ayaan dhulka sarre ee gudaha dalka Itoobiya halkaaso Wabiga Shabelle kaso bilawdo.

Digniinta kasoo baxday Wassaaradda gargaarka iyo maareynta masiiboyinka DFS ayaa lagu sheegay in fatahaad uu wabiga Shabelle ka sameyay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ay ka dhalatay saameyn dhanka nolosha ah maadama ay guryahoodii ka barakaceen boqolaal qoys.

Digniintan cusub ayaa kusoo beegmeysa xili naq fican uu wabiga Shabelle ka sameyay deegaanada dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida Shabakadda HOL u xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan deegaanada Bacaad, Garaash iyo Leebow oo dhamaan dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]