4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2020
Dugsiga waxbarashada beeraha oo Balcad laga dhagax dhigay


Talaado, September 1, 2020 (HOL) - Sii hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wasiirka waxbarashada Hirshabeelle Dr. Cabdullaahi Abuukar Xuseen ayaa waxay maanta ka dhagax dhigeen degmada Balcad dugsiga waxbarashada beeraha ee magaaladaas.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay iney ka go'antahay dowladda Soomaaliya kor u qaadista aqoonta iyo sidii looga faa'ideysan lahaa kheyraadka qarankan uu leeyahay.

"Waxaa naga go'an in aan dalka ka hir-gelinno aqoon tayo leh,  dugsigaan magacan oo keliya ayaa loogu yeeri karaa"  ayuu sii hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya u sheegay warbaahinta.

Dhinaca kale maamulka Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay dhagax dhigga dugsiga waxbarashada beeraha ee degmada Balcad.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ku tiirsan Xoolaha,  jillaabka iyo beeraha,  Waxa uuna noqonayaan dugsigaan 30 sano kadib,  kii ugu horreeyay ee laga hir-geliyay koonfurta Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]