4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2020
Soomaaliya oo wadamada Carabta kala hadashay in laga cafiyo hal billion oo deyn ah
 

Talaado, September 1, 2020 (HOL) - Sii hayaha Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay wadamada carabta iyo hay’addahooda kala hadleen sidii ay Soomaaliya uga cafin lahaayeen deymaha badan ee ay ku leeyihiin.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in wadamada Carabta ay Soomaaliya ku leeyihiin dayn lacageed oo gaaraysa hal billion oo dollar, dayntaas oo ay Soomaaliya gashay lagasoo bilaabo lixdankii illaa sagaashameeyadii.

Wasiirku wuxuu sheegay in shir saddex saac socday oo ay la yeesheen hay’addaha dowladdaha Carabta, in lagu lafo guray qaabka ay daynta uga cafin karaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa shirkaan ka qeyb galay bankiga adduunka, bankiga horumarinta Afrika iyo hay’addaha maaliyaddeed ee Soomaaliya deynta ku lahaa.

Balse, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda, shirkaan kamasoo qeyb galin wasiiradda dowladdaha carabta, kuwaas oo u sheegay wasiirka inay marka hore la shiraan hay’addaha kadibna dowladduhu qaban qaabinayaan shir dambe.

Wasiir Bayle, wuxuu sheegay inay wadamada Carabta ka doonayaan in si ka wanaagsan dowladdaha iyo ururada kale uga cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]