4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2020
QM oo sagootisay 600 askari oo ahaa ilaalada xafiisyada UNka ee Soomaaliya
 

Talaado, September 1, 2020 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa bilado gudoonsiiyay 600 oo askari oo reer Ugaandha ah oo ilaaliya amaanka xarumaha UN-ka iyo shaqaalahooda ka hawlgala Soomaaliya.

Lt. Col. Deo Akiiki, ku xigeenka afhayeenka militariga Uganda ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in ciidamadan oo ka hoos shaqeeya qeybta lixaad ee ilaalada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay bilad sharaf ka heleen Mr. Guterres.

“Biladaha waa aqoonsiga hal sano oo naf hurnimo ah… sugida amaanka xarumaha UN-ka iyo ka hortaga hanjabaadaha kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab, ” ayuu yiri Akiiki.

Munaasabad abaalmarin ah, oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa waxaa guddoominayay James Swan, oo ah wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Ciidamadaan waxaa loo geeyay Soomaaliya si kumeel gaar ah, waxaana usoo gaba gaboobay waajibaadkoodii halka sano ahaa, waxayna ku laabanayaan dalkooda.

Waxaa xusin mudan in 600 askari oo bedelaya kuwaan dhowaan Uganda lagasoo sagootiyay. Uganda waxaa haatan Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]