4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Cali Khaliif Galaydh oo la shaaciyay inuu u geeriyooday Covid-19
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Guddigii loo xilsaaray baaritaanka geerida Cali Khaliif Galaydh oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga, ayaa shaaciyay in marxuumka u geeriyooday cudurka Coranavirus oo uu maalmahaan la xanuunsanayay.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlad degaanka Soomaalida, Dr, Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ku hadlayay magaca guddiga, ayaa sheegay in Cali Khaliif labadii maalmood ee ugu dambeysay uu la xanuunsanayay covid-19, balse xaaladdiisu ay soo xumaatay maanta markii xanuunku kusoo saa’iday.

“Maanta duhurkii ayuu billaabay naqasku inuu ku dhego, anigoo la jooga ayay naftu ka baxday, runtii waa geeri aad u xanuun badan,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka degaanka Soomaalida.

Marxuum Cali Khaliif ayaa lagu aasidoonaa magaalada Muqdisho maalinta berrito ah, eheladiisa iyo dowladda Soomaaliya ayaa codsaday in maydkiisa Muqdisho loosoo qaado si halkaas aas qaran loogu sameeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]