4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Puntland oo maanta shaacisay kiisaskii ugu badnaa cudurka Coronavirus
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta shaacisay 147 kiis oo Covid19 ah, kadib baaritaan lagu sameeyay 665 qof oo ku kala sugan degaanada Puntland muddadii udhexeysay 24 September ilaa 03 October.

99 kamid ah dadka xanuunka laga helay ayaa ku sugan magaalada Garowe halka inta kalena laga diiwaan galiyay magaalooyinka Boosaaso, Iskushuban, Bargaal, Xaafuun, Bayla, Qandala, Gaalkacyo iyo Eyl.

Dadka xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa hal sano jir ilaa 75 jir.

9 qof ayaa soo bogsaday.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa gaartay 668 qof waxaa u dhintay 9 qof, waxaana ka bogsaday 240 qof.

Puntland waxay kamid tahay meelaha cudurku kusoo labo kacleeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]