Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa laba nin oo Soomaali ah ku xukuntay 26 iyo 11 sano oo xarig ah kadib markii ay taageereen weerarkii 2013 lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.
newsinsideMaxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah ayay maxkamadu sheegtay in horaantii bishan lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin shirqool ay u maleegayeen qaab argagixisanimo iyagoo gacan siinayay kooxda al-Shabab.
Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa wax dambi ah ku weysay eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Liban Omar, kaasoo ay masuuliyiintu sheegeen inuu walaal la yahay mid ka mid ah ragga weerarka soo qaaday.
Laakiin qareenkiisa wuxuu sheegay in Cumar ay afduubeen rag la rumeysan yahay inay yihiin laamaha amniga shan daqiiqo kadib sii deyntiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]