1/26/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2020
27 ruux oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay xudduuda ay wadaagaan Soomalida iyo Canfarta dalka Itoobiya


 

Jimco, October, 30, 2020 (HOL) - Dagaal  dhaxmaray labada Qowmiyadood ee Canfarta iyo Soomaalida ayaa lagu waramayaa in lagu dilay 27 ruux, sida lagu sheegay War ka soo  Dowladda Itoobiya.

Dagaalka labada Qowmiyiadood ayaa salka ku haya muran dhinaca xudduudaha oo muddo dheerba soo jiitamayay, iyadoo marar badan oo hore sidan oo kale dagaalo uga dhaceen xadka labada dhinaca Ismaamul.

''27-ka ayaa loo dilay “sababo la xiriira isku dhacyo ka dhacay xuduudaha Soomaaliya iyo Canfarta”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xukuumadda Itoobiya.

Cali Bedel oo ah Afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay dilkan wuxuuna eedeyn dusha uga tuuray maleeshiyada ka soo jeeda deegaanka Canfarta 'Maleeshiyada maxalliga ah ee ka soo jeeda Canfarta ayaa ka dambeeyay dilka," ayuu u sheegay Reuters.

Rabshado is daba-joog ah oo goos goos ah ayaa ruxay Itoobiya tan iyo markii ra'iisal wasaare Abiy Ahmed uu xukunka qabtay 2018.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
       





















Click here
10/30/2020 1:08 PM EST
Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga bilaabo bisha soo socta ay guda-gali doonaan howlaha doorashada madaama uu waqtigu gabaabsi yahay.

10/30/2020 10:28 AM EST
Jimco, October, 30, 2020 (HOL) - Ururada u dooda xuquuqda haweenka, haweenka ganacsatada ah iyo haweenka siyaasiyiinta ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka codsaday baarlamaanka Soomaaliya aqalkiisa sare uu meelmariyo hindise sharciyeedka ku saabsan in haweenku 30% ka helaan kuraasta barlamaanka soo socda.

10/30/2020 7:02 AM EST
Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) – Beeraleyda iyo Xoola dhaqatada ku nool qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya sanadkan cabashada ugu badan oo ay qabaan ayaa aheyd Ayax raxan raxan u socda oo meelaha qaar ku riday nabaad-guur iyo baabi’inta dalaggii la filayay.

10/30/2020 6:14 AM EST
Jimco, October, 30. 2020 (HOL)- Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib markii Dooni ay la socdeen oo sidday laba boqol oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida maalinimadii Khamiiista ee shalay laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka IOM .

10/30/2020 1:56 AM EST
Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal.