4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay inay xal waara ka gaarayaan DP-world iyagoo ilaalinaya xiriirka Imaaraatka
 

Axad, October, 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa shaaciyay inay xal-waara ka gaarayaan shirkadda DP world oo gacanta ku haysa dekeda Bosaso, taasoo aan weli si buuxda u fulin heshiiskii ay kula wareegtay dekeda.

Madaxweyne Deni oo la hadlayay barlamaanka Puntand, ayaa sheegay in xalkaas waara uusan saameyn ku yeelandoonin xiriirka ay Puntland la leedahay Imaaraatka Carabta oo iska leh shirkadda DP-world.

“Waxaan qoraallo badan ka diyaarinay dhaliilaha DP-world inagoo la kaashanaynay la taliyayaasheenna sharciga iyo dhinaca maamulka. Waxaan xogo badan ka ururinay habka suurta galka ah ee aan xalka uga gaari karno DP- world, inagoo ilaalinayna xiriirka wanaagsan ee aan la leenahay dowladda Imaaraatka,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni wuxuu tilmaamay inuu suurtagali waayay kulan fool ka fool ah oo ay la yeelan lahaayeen madaxda DP-world, si looga wada hdlo waxa sababay in shirkaddu fulin weydo heshiiska lagula balamay.

Kulankaas ayuu madaxweynuhu sheegay inuu u baaqday cudurka Covdi19 awgiis.

Dhinaca kale, waqtigii uu barlamaanka Puntland u qabtay in xukuumada war cad ka keento shirkadda DP-world, ayaa ku eg bishaan Octobar, waxaana xildhibaanadu horey usoo jeediyeen in la kansalo heshiiska DP-world.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]