4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday dadkii ka dambeeyay weerarkii xabsiga dhexe
 

Axad, October, 25, 2020 (HOL) -  Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukuntay 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta, Xunkusanayaal iyo Garsugayaal lala xariiryay inay kaalin ku lahaayeen weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar.

Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayay maxkamadu sheegtay inuu Gacanta hore weerarka, wuxuu Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse.

Dambiilahan ayaa weerarka kadib ka baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga.

Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ka gaartay qasaaraha ayay maxkamadu sheegtay inuu qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaarta.

Laakiin mid kamid ah raggi qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay Hubkiisa.

Baaritaanno muddo dheer qaatay, Maanta ayay Maxamadda Go’aan ka soo saartay, waxaana la xukumay dhammaan dadkii ku lugta lahaa.

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan.

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey, 8-Maxamed Maxamuud Mataan, 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11-Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday.

Weerarkii xabsiga waxaa ku dhintay in ka badan 15 qof  oo intooda badan ahaa maxaabiis u suurto gashay inuu gacantooda galo hub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]