4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Dowladda oo qiimeyn ku sameyneysa Amaanka Gobollada dalka ee la filayo in ay doorashooyinka ka dhacaan

 

Axad, October, 25, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashada 2020-21 oo kol hore ay ku heshiiyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada in ay waqtigeeda ku dhacdo.

Dhamaan Dowlad gobolleedyada ayaa loo asteeyay in doorashada soo xulista Xildhibaannada cusub ay ka dhacdo Labo deegaan Doorasho oo kala ah  hadba labada magaalo ee ugu waaweyn dowlad gobolleed walba.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa safar la xiriira u kuurgalida nabad-galyada goobaha loo diyaariyay in ay ka dhacaan doorashooyinka waxaa uu maanta ku tagay degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda uu booqdo magaalooyin ka tirsan dowlad gobolleedyada dalka kuwaa oo loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada.

Taliye Xijaar ayaa ayaa kulamo la qaadan doona madaxda dowlad gobolleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]