4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble oo ka hadlay howlaha horyaala xukuumadda uu horkacayo

 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo khudbad ka hor jeediyay maanta xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay howlaha hor yaala xukuumadda uu horkacayo ee codka kalsoonida heshay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in sheegay in muddada gaaban oo ay jirto xukuumadiisa ka shaqeyn doonaan qodobo ay ka mid yihiin socodsiinta howlaha Doorashada sida dhismaha gudiyadii ka shaqeyn lahaa arrintan iyo nabad-galyada goobaha doorashada lagu qabanayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xukuumadiisa cusub diirada saari doonto cudurka safmarka ah ee Covid-19, balaarinta adeegyada bulshada, Dowlad Wanaag iyo Cadaalad.

Waxaa uu si gaar ah u xusay in xukuumadiisa ay isha ku heyn doono islamarkaana mudnaan gaar ah siin doonto xuquuqda haweenka caruurta, iyaga oo arintan kala shaqeyn doona hay’addaha howlan.

Golaha Wasiirrada cusub ayaa ka kooban 70 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigaanno iyo Wasiirru-dowlayaal oo intooda badan ka yimid Golaha Shacabka waxaana siweyn xukuumadan uga soo dhax muuqday Wasiirradda xukuumada Ra’iisal kalsoonida lagala noqday Xassan Cali Kheyre.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]