4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Ardey Qarax ku dhimatay gobolka Galguduud

 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Wasaarradda Waxbarashada Dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shaacisay magacyada Afar Ardey ah oo ku geeriyootay walxaha Qarxa deegaan lagu magacaabo Bangeelle oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Magacyada Ardeydan ku geeriyootay Qaraxa ayeey Wasaarraddu sheegay in ay kala ahaayeen Cabdullaahi Shugri Maxamed Wuxuu Dhiganayay Fasalka 6aad,Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4aad, Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille Faslka 4aad iyo Kaamil Daroor Maxamed Cali Fasalka 3aad.

Ardeydan ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen Qarax ka dhashay gumaca rasaasta madfac oo ay ka soo qaadeen geed hoostiisa iyaga oo bilaabay in ay garaacaan taasoo ugu danbeyntii sababtay in uu ku qarxo.

Deegaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya haraadiga walxaha qarxa kuwaa oo carruurtu inta badan ku cayaaraan balse kala kulmo halis sababi karta geeri.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]