4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Al-shabaab oo todobaadkii lasoo dhaafay 19 weerar ka geysatay Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Kenya
 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada joogtada ee uu ka geysanayo gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalka Kenya, sida lagu sheegay warbixin xog ururin ah oo lagu daabacay bog ka faallooda kooxaha mintidiinta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Al-Shabaab waxay qaadeen ugu yaraan 19 weerar oo ka dhacay Soomaaliya iyo dalka deriska la ah ee Kenya, sida lagu xusay warbixinta.

Weeraradan ayaa iskugu jira qaraxyo, weeraro toos ah iyo dilal qorshaysan oo Al-shabaab ka fuliyeen Soomaaliya gudaheeda iyo gobolka waqooyi bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa hadafkooda ah inay muujiyaan awoodda ay u leeyihiin inay weeraro ka fuliyaan Bariga Afrika.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab weeraradan u geysanayaan inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya halkaas oo ay ku leeyihiin il dhaqaale oo weyn oo dhinaca canshuuraha ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]