4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Hindia oo sheegtay in Soomaaliya lagu haysto shaqaale dalkeeda u dhashay oo u shaqeynayay shirkad ganacsi
 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL) - Wasiirka Arimaha Dibada Hindia, Jaishankar ayaa sheegay in India ay ka shaqeyneyso sidii ay gargaar iyo dib ugu celin ugu sameyn laheyd 33 muwaadin oo Hindi ah oo ku xanniban Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibada Hindia waxay sheegtay shaqaalahan u dhashay dalkeeda in ay muddo sideed bilood ah Soomaaliya ku haysato shirkad ay ka shaqeynayeen oo aan warbixinta lagu xusin magaceeda.

“Labadii bilood ee ugu horreeyay, shirkaddu si wanaagsan ayey ula macaamishay, si kastaba ha noqotee shaqaalaha ayaa la soo sheegayaa inaan la siinin mushaharkoodii siddeeddii bilood ee ugu dambeysay,” ayuu yiri Jaishankar oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladdiisu xiriir la sameynayso safaaradda Soomaaliya ee India.

Dowladda Hindiya ayaa soo celinta shaqaalaheeda kala kaashanaysa dowladda Kenya.

Shaqaalaha kasoo jeeda Hidiya ayaa ah kuwa ugu badan ee ka shaqeeya Soomaaliya, waxayna inta badan ka howlgalaan dhismayaasha iyo goobaha laga cunteeyo.

Waxaa dalka keena ganacsato Soomaaliyeed oo u arka fursad muhiim ah shaqaale aqoon durugsan u leh cunto karinta iyo hababka casriga ah ee guryaha loo dhiso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]