4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2020
Ciidamada Militariga iyo Booliska Soomaaliya oo hor istaagay banaanbaxii magaalada Baledweyne
 

Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliska iyo militariga dowladda Soomaaliya ayaa si cad u hor istaagay banaanbax maanta ka dhaci rabay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Boqolaal shacab ah oo saaka isugu soo baxay wadada dheer ee laamiga ee dhexmarta bartamaha magaalada Baledweyne oo doonayay inay sameyaan banaanbax nabadeed oo ay ku doonayeen iney ku muujiyaan dareenkooda ku aadan diidamada dhismaha maamulka cusub ee Hirshabelle ayaa waxa ka hor istaagay banaanbaxaasi ciidamo ka tirsan Militiriga iyo Booliiska dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxan oo ay shalay ku dhawaaqeen Odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa u jeedkiisu ahaa mid nabadeed oo ay kaga soo horjeedaan hab dhismeedka Hirshabelle.

Taliska Booliiska Baledweyne oo Saaxafadda la hadlay ayaa sheegay in sababta ay u joojiyeen banaanbaxa maanta ay tahay inaan lasoo wargelin laamaha amaanka degmada Baledweyne sidaas darteedna ay u joojiyeen, inkasto warar kale oo ay heshay Shabakadda HOL ay sheegayaan in amarka joojinta iyo hor istaaga banaanbaxa laga soo bixiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]