4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2020
Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ka hadlay in dacwado loo haysto qaar kamid ah bangiyada kuyaala Soomaaliya
 

Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo jiritaanka in dacwad  laga gudbiyay bankiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala Soomaaliya.

Masuuliyiinta bankiga dhexe waxay sheegeen in saxaafadda looga been abuurto qaar kamid ah bangiyada dalka, inkastoo bangigu uusan caddayn waxa ay tahay been abuurka laga sameystay.

Hadalka Bankiga ayaa kusoo aadaya warbixin dhawaan lagu daabacay wakaalada Newyork times, taasoo ku saabsanayd in ururka Al-shabaab dhaqaalaha kasoo gala canshuuraha ay ku kaydsadaan bangiyada maxalliga ah ee kuyaala Soomaaliya.

Newyork Times oo soo xiganaysay nuqul kamid ah warbixin ay diyaariyeen guddi katirsan Qaramada Midoobay oo baaritan ku sameeyay lacagaha Alshabab kasoo gala cashuuraha, ayaa waxaa warbixinta kasoo muuqday Salaam Somali Bank oo warbixinta lagu sheegay inuu yahay bankiyada maxalliga ah ee Shabaabka dhaqaalaha ku kaydsadaan.

Balse, warbixinta laguma xusin wax dambi ah ama dacwad ah oo loo haysto bankiga iyo masuuliyiinta madaxda ka ah. Balse, qaar kamid ah baraha bulshada, ayaa lagu faafiyay in bankiga lagu helay inuu taageero argigixisada, dacwadna ay ku socoto.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]