3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Labaatan iyo sagaal qofood ku dhimatay fayrsaska COVID19



Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Waaxda Caafimaadka Minnesota ayaa Arbacadii xaqiijisay in 1,214 qofood laga helay cuddurka Covid-19, labaatan iyo sagaal kalena ay u dhinteen.

Gobolka ayaa ilaa Arbacadii ku sheegay wadarta guud ee dadka laga helay fayraska cusub ee karoonafayris ilaa 115,763 qofood. Sidaasna waxaa lagu xaqiijiyay tijaabooyinka caafimaadka caadiga ah.

Saraakiisha caafimaadka gobolka ayaa ka sii digay in korarka dadka uu ku dhacay cudurkan halista ah dhammaadka Xagaaga ay sababi doonto ugu dambeytii in dad badan u dhitantaan iyo kuwo kalena cisbaal loo dhigo cudurkan. Axadii, Oct.11, 487 reer Minnesota ah ayaa cisbitaal loo dhigay cudurka Covid-19, waa markii ugu horreysay ee tiro intaas la’eg muddo hal maalin cudurkan ku dhaco dad intii ka dambeysay dhammaadka bishi.













Click here
10/19/2020 3:05 PM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee maamul goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta ka hadlayay shirweyne wadatashi oo beesh Xawaadle ku yeelatay magaalada Muqdisho waxuu si adag u dhaliiyay dowladda madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedayay in gacan bidxeyn ku wado qaab dhismeedka Hirshabelle.

10/19/2020 2:59 PM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - War-murtiyeedkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa laga soo saaray shirweyne wadatashi oo aay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha dega deegaanadda Hirshabelle kuwaas oo aan la dhacsaneen hanaanka iyo hab dhismeedka loo wajahayo dowlad goboleedka cusub ee Hirshabelle.

10/19/2020 2:47 PM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyin ay ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida itobiya ay ka geystaan gudaha gobolka Hiiraan.

10/19/2020 2:30 PM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay golaha wasiiradda xukuumada Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ah wasiiradda xukuumadii hore Ee Kheyre.

10/19/2020 12:40 PM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Allaha u naxariisto waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyootay Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ahayd Fanaanad wayn oo aad looga yaqiin Gayiga Soomaaliya.

10/19/2020 12:23 PM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa qabtay munaasab loogu duceynayay allaha u naxariistee Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya ahaana Madaxweynihii Khatima State Dr. Ali Khaliif Galaydh.

10/19/2020 9:18 AM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi Ayax tiro badan oo guuraya uu ku habsasay ilaa 32 tuulo oo hoos yimaada degamada Maxaas.

10/19/2020 9:16 AM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Ugu yaraan 1,000 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) ayaa qaadanaya tababar dagaal, oo ay bixinayaan saraakiil ka socda dowladda Ingiriiska, ka hor intaan loo soo dirin Soomaaliya bisha Janaayo 2021.

10/19/2020 12:22 AM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Hay'adda badaha adduunka ayaa ku boorrisay maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan markay marayaan badda Carbeed iyo Gacanka Cadmeed, si looga feejignaado weerarada burcad-badeeda.

10/19/2020 12:19 AM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay dowladda in si deg deg ah loo siidaayo wariye Cabdulahi Kulmiye Cadow.

10/19/2020 12:15 AM EST
Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa tababar cusub u billaabay 450 askari, oo loo tababarayo inay kamid noqdaan ciidamada lugta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.