4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2020
Puntland oo laga codsaday inay xoriyadooda usoo celiso dhalinyaro 8 bilood u xiran dilkii guddoomiyaha gobolka Nugaal
 

Sabti, October 17, 2020 (HOL) - Nabadoon Xuseen Xaaji Ibraahim oo ah guddoomiyaha beesha jareerweyne ee degaanada Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyay xarriga 12 dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beeshaas, kuwaas oo muddo ku dhow 8 bilood ah u xiran kiiska dilkii gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), oo qarax ismiidaamin ah lagu dilay 29 maarso ee sanadkan.

Isagoo Garowe kula hadlayay warbaahinta gudaha, ayuu sheegay in dhalinyaradaas ay maxkamadu ku weyday wax dambi ah kadib markii tiro dhowr jeer ah lasoo taagay maxkamada gobolka Nugaal.

Nabadoon Xuseen Xaaji wuxuu tilmaamay dadka xiran ee uu doonayo in xoriyadooda loosoo celiyo ay iskugu jiraan macalimiin dugsi qur’aan ah, ganacsato iyo dhalinyarada baabuurta dhaqda, kuwaas oo kamid ahaa tobaneeyo qof oo xabsiyada loo taxaabay kadib dilkii gudoomiyaha Nugaal.

Wuxuu sheegay in maxkamadu soo gabagabaysay kiiskaan 12-kii bishaan islamarkaana dadkii lagu helay dambigaas la xukumay, Kuwii lagu waayayna aysan weli helin xoriyadoodii ka maqnayd.

Wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Puntland inuu kiiskaan soo faro galiyo islamarkaana dadka dambiga lagu waayay la siiyo xoriyadooda.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online