4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Mareykanka oo ballan qaaday inuu sii laba laabayo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - War kooban oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxaa ugu horreyn tacsi loogu diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo maanta xasuusanaya dadkii lagu dilay qaraxii 14-kii, October, 2017-dii ka dhacay Is-goyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka oo lagu baahiyay baraha arrimaha bulshada ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay aad ula murugoonayaan waddan ahaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee qaraxii Soobbe weli la tiiraanyoonaya, qoysaska eheladii dadkooda ku waayay iyo guud ahaanba inta dhibbane u noqotay qaraxaas.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana warkan qoraalka ah lagu qeexay in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doono Mareykanka sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab.

Qaraxii ka dhacay Soobbe 14-kii, October,2017dii, waxaa ku dhintay dad ku dhow lix boqol oo qof inta la ogyahay, boqollaal kalana way ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay, laakiin dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Al-shabaab iney ka dembeeyeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]