4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab
 

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha aan weli ku dhawaaqin xukuumaddiisa ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu markii ugu horreysay ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, xilli uu ka qeyb-galayay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka qaranka ee loogu baroor diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii seddex sano ka hor ka dhacay Isgoyska soobbe ee magaalada Muqdisho.

“Al-shabaab waxay la yimaadeen istiraatiijiyad dagaal oo dadka lagu dhibaateeyo, dowladdana waxaa loo baahanyahay iney la timaado istiraatiijiyad kale oo dadka lagu badbaadinayo” ayuu Rooble u sheegay dad badan oo munaasabadda joogay.

Waxa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu sheegay si looga hortago qaraxyada gawaarida loo adeegsado, waa in la sameeyaa qorshe fog ayuu yiri.

“Al-shabaab gawaari ay dad walaalo ah ka qaateen , ayey ku fuliyaan qaraxyada, waa in aan ogaanno dadka gawaarida laga qaatay” ayuu mar kale hadalkiisa ku sheegay.

Waa markii ugu horreysay uu ku dhawaaqo dagaal ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo horay sidaan oo kale ay ugu dhawaaqeen ra’iisul wasaarayaashii ka horreeyay.

Hase-ahaatee Rooble ayaa hadalkaan u sheegay boqollaalkii qof ee daawanayay, waxaana horyaalla xukuumaddiisa shaqo adag ee uu ammaanka ugu horreeyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]