3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 13, 2020
Maxkamada ciidamada Jubbaland oo xukun dil ah ku riday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii hotel Cascasey
 

Talaado, October 13, 2020 (HOL) -Deeqow Caliyow Kuusoow oo katirsanaa Alshabab ayaa maanta lagu xukumay xukun dil toogasho ah oo uu ku mutaystay kaalintii uu ka qaatay weerarkii sanadkii hore lagu qaaday hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu dilay 26 qof oo u badnaa shacab.

Ciidamada amniga Jubbaland ayaa ku guulaystay inay ninkan gacanta ku dhigaan isagoo nool oo dagalamaya. Balse dhaawac kasoo gaaray rasaasta ciidamada ayaa qaadatay muddo in xaaladdiisa caafimaad lala tacaalo ka hor inta aan sharciga la horkeenin.

Deeqow, waxa uu kamid ahaa afar dagaalame oo gudaha u galay hotelka ismarkaana waxaa xeer ilaalinta maxkamadu sheegtay in uu gacantiisa ku toogtay illaa 10 qof oo shacab ah inkastoo isagu uu qirtay afar ruux oo kaliya.

Maxkamada oo siisay fursad uu isku difaaco, ayuu sheegay inuu labo sano katirsanaa Alshabab islamarkaana lagu qalday dhalinyaronimo loona sheegay dadka uu weerarka kusoo qaaday inay yihiin gaallo cadow ku ah islaamka.

Garsooraha maxkamada ciidamada qalabka sida Jubbaland, Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in dambiilaha loo qisaasidoono dadkii uu laayay, waxayna maxkamada u oggolaatay inuu racfaan ka qaadan karo xukunkiisa.

Weerarkii hotel Cascasey waxaa lagu xasuustaa dadkii lagu dilay inay kamid ahayd saxafiyadii caanka ahayd Hodan Naaleeye iyo seygeeda Farriid Jaamac.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/13/2020 7:06 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

10/13/2020 5:41 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 qof oo shacab ayaa ku geeriyootay tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ooda kaga qadeen gaari rakaab ah ay saarnayeen.

10/13/2020 4:19 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Baaritaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay.

10/13/2020 1:20 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeydh ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.

10/13/2020 1:16 AM EST
Talaado, October 13, 2020 (HOL) - Musharrixiinta doorashada baarlamaanka Uganda ayaa la faray inay illaa Khamiista bixiyaan khidmadda lacageed ee murashaxnimadooda oo dhan $800, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka.